Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Dib-u-habeynta Nidaamka Mushaar Bixinta Shaqaalaha Dowladda

Maanta oo taariikhdu tahay 22/04/2026 Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabtay shir looga hadlayay dib-u-habeynta nidaamka mushaar bixinta shaqaalaha dowladda, iyadoo masuuliyiinta ka qeyb gashay ay soo dhaweeyeen qorshahan cusub ee lagu tayeynayo habraaca maamulka shaqaalaha.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland, Guddoomiye Ku-xigeenada Guddiga , Xogahayaha Golaha Baarlamanka Jubaland isku duwaha mashruuca saab,Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Dowladda Jubbaland iyo Agaasime Waaxeedyada waaxda Maamulka Maaliyadda iyo shaqaalaha wasaaradaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa habka mushaar bixinta shaqaalaha dowladda, si loo xaqiijiyo in shaqaalaha ay helaan mushaarkooda si joogto ah, caddaalad ah, isla markaana waafaqsan nidaamka shaqo ee dowladda Jubbaland.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *