Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland, Mudane Siyaad Ibraahim Maxamed ayaa si rasmi ah u soo xiray tababbar socday muddo laba cisho ah, kaas oo maalintii koowaad la siiyay wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, halka maalintii labaadna tababarka loo qabtay howlwadeenada shirkaddii ku guuleysatay qandaraaska dhismaha xarunta cusub ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka.
Tababbarkan oo qayb ka ah qorshaha Guddiga, islmarkaana diiradda lagu saaray horumarinta anshaxa shaqada iyo kor u qaadista badqabka goobta shaqada, ayaa waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Guddiga uu ku horumarinayo awoodda hay’adaha dowladda, kor loogu qaadayo tayada deegaanka shaqada, isla markaana lagu kobcinayo dhaqan shaqo oo ku salaysan ixtiraam, wada shaqayn, isla xisaabtan, iyo abuurista goobo shaqo oo ammaan ah, caafimaad qaba.
Gabagabadii, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland, Mudane Siyaad Ibraahim Maxamed ayaa ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay aqoonta iyo xirfadaha ay tababbarka ka kororsadeen ku dabaqaan goobahooda shaqo, si loo helo adeeg dowladeed oo tayo leh, hufan, kuna dhisan anshax, mas’uuliyad iyo xirfad.











