Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Shirka 5aad ee Madasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ee SERP Project Somalia.

Nairobi, Febraayo 09,2026: Waxaa magaaalda Nairobi ka furmay Shirka 5aad ee Madasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ee SERP Project Somalia.

Shirkan waxaa Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowlad Goboleedka Jubaland oga qeybgalay Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo ku simaha Agaasimaha Guud ,Shirka waxa diiradda lagu saarayaa Dib-u-habaynta Adeegga Dadweynaha, horumarinta Nidaamka HRMIS, hirgelinta howlaha socda, iyo caqabadaha jira.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya shirka Wasiiradda Wasaaraddaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad Goboleedyada dalka, Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka iyo Dowlad Goboleedyada, Hey’addaha heer Federaal iyo heer dowlad Goboleedba ee Mashruuca SERP la shaqeeyo.

Shirka ayaa la filayaa sidoo kale in lagu qiimayo sidoo kalena dib loogu eego arrimaha muhiimka ah ee qeybta Mashruuca ee PSM ama dhaqangelinta shaqooyin muhiim ah ee la qorsheeyay.

#SERP#Project#Somalia#PublicSectorReform

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *