Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Munaasabada xiritaanka wajiga sadeexad ee kobcinta hay’adaha dowladda

Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka dowlada Jubaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed ayaa ka qaybgalay Munaasabada xiritaanka wajiga sadeexad ee kobcinta hay’adaha dowladda.

Waxaa si guul leh u soo dhammaaday tababarkii saddexaad ee taxanaha kobcinta awoodda hay’adaha dowladda, hay’adaha aan dowliga ahayn, iyo daneeyayaasha ka shaqeeya yareynta saboolnimada iyo taageerada qaybaha nugul ee bulshada, kaas oo ay qabatay shirkadda TaskBridge.

Tababarkan wuxuu qayb ka yahay Mashruuca “SEPOW”, oo si tijaabo ah uga hirgelinaya Jubbaland Habka Ultra-Poor Graduation — UPG; hab caalami ahaan la aqoonsan yahay oo qoysaska saboolka ah siiya taageero isku dhafan, si ay u gaaraan nolol xasilloon, isku-filnaansho, iyo ka bixitaan saboolnimo waarta.

Mashruucu wuxuu taageerayaa 470 qoys oo danyar ah, gaar ahaan haweenka iyo qoysaska nugul.

Tababarka waxaa ka qayb galay 30 xubnood oo ka kala socday Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Wasaaradda Haweenka, Hay’adda JUURI, ALIGHT, Save the Children, iyo ururrada bulshada rayidka ah. Ka-qaybgalayaashu waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan hirgelinta iyo xoojinta habka UPG ee lagu taageerayo bulshada nugul.

Mashruuca SEPOW waxaa maalgelinaya BMZ, waxaana fulinaya GIZ.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *