Kulanka waxaa goob joog ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐮𝐤𝐚𝐫 kusimaha Agaasimaha Guud Ee Guddiga 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐚𝐦 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐌𝐨𝐚𝐥𝐢𝐦 iyo Agaasimaha Waaxda Siyaaaada iyo qorshaynta 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐒𝐡𝐮𝐠𝐫𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐊𝐡𝐚𝐥𝐢𝐟.
Wafdiga Hay’ada 𝐆𝐈𝐙 oo ay Hogaaminaysay Madaxa hormarinta Hal abuurka ganacsiga ee Soomaaliya 𝐃𝐑. 𝐏𝐮𝐫𝐧𝐢𝐦𝐚 𝐃𝐨𝐫𝐢𝐬 Ayaa looga wada hadlay iskaashiga dhanka hormarinta haweenka ee xarumaha dowladda, madama haweenku ay yihiin lafdhabarta bulshada somaaliyeed si loo helo hanaan adeeg bixin oo dhamaystiran oo ay qayb kayihiin xarumaha dowlada sida kordhinta qoondada haweenka ee Shaqaalaha Dowladda iyo in Kor looqaado aqoontooda hagaamineed loona siiyo tababaro lagu kordhinayo xirfadooda shaqo si loo gaaro hiigsiga 2030-ka.
Gabagabadii kulanka Gudoomiyaha Guddiga Shaqalaha Rayidka Jubbaland 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐝 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐡𝐢𝐦 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 ayaa wafdiga Hay’ada GIZ oga mahadcelinyay doorka hufan ee ay kugarab taaganyihiin Xafiiska Guddiga iyo dhamaan Xarumaha Dowladda Jubbaland.
𝘿𝙃𝘼𝙈𝙈𝘼𝘼𝘿-




