Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Tababarka Agaasime Waaxeedyada Maamulka Maaliyada iyo Saraakisha waaxyahaas Ee Xarumaha Dowlada Jubbaland.

Xiritaanka shirka Waxaa kasoo qaybgalay Kusimaha Wasiirka wasaarada Shaqada iyo arimaha Bulshada Mudane Ibraahim Maxamed Qooshow,

Wasiir Kuxigeenla Wasaarada Dhalinyarad Iyo Ciyaaraha Marwo Faadumo kusimaha Gudoomiyaha Guddiga ahna Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane Ahmed Mohamed abukar, Agaasimyaasha Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada, W Shaqada iyo arimaha bulshada, W Amniga Gudaha W Ganacsiga, Xoghayaha Baarlamaanka Jubbaland iyo Madaxa mashruca CFSP Mr Hassan Abdinoor Sayid

Tababarkan ayaa ujeedadiisu ahayd sii loo sare loogu qaadi lahaa hufnaanta hanaanka Maaraynta Maamulka Maaliyada Iyo shaqaalaha xarumaha Guud ahaan dowlada Jubbaland, waxaana dhamaan xubnaha kafaaidaystay tababarka lagu goonsiiyay shahaado cadaynaysa aqoonta ay barteen mudadii ay tababarka qadanayeen.

Waxaana tababarkan Qabsoomidiisa Guddiga Shaqaalaha Rayidka Kataageeray Hay’ada JIZ oo inta badan Xarumaha Dowlada Kataageerta Hormarinta Adeeg bixinta Xarumaha Dowladd.

Ugudanbayntii Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland ayaa hay’ada JIZ ku Maamuusay Bilad Sharafeed doorkeeda hormarin ee Guud ahaan Xarumaha Dowlada taageerada ay kasiito dhinacyada hormarinta arimaha bulshada.

Dhamaad.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *