08/02/2025 Waxaa magaalada Kismaayo lagu qabtay kulan uu soo agaasimay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland, kaas oo la xiriiray ka qeyb qaadashada daneeyayaasha dhismaha xafiiska Gudiga Shaqalaha Rayidka Jubaland.
Kulanka oo intii uu socday diirada lagu saarayey dhismaha xarunta ayaa waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Guddiga Shaqalaha Rayidka Jubbaland, Mudane Siyad Mohamed Ibrahim, Gudoomiye ku xigeenada Guddiga Shaqalaha Rayidka, Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada, Hon Najiib Barre Salat, Madaxa Mashruuca Kobcinta Maamulka Kheyraadka Soomaaliya (SERP) ee Jubbaland, Maxamed Nuur Salaax, Xasan Maxamed oo katirsan Mashruuca SERP ee heer Federaal iyo qaar kamid ah shaqaalaha Wasaradaha Jubbaland.
Sidoo kale, waxaa ka mid ah dadka ka soo qeyb kalanka wadatashiga bulshada rayidka iyo wakiilo ka kala socday dadka barakacayaasha ah.
Mashruucan (SERP) ayaa ah mid taageerayo xoojinta shan tiir oo dowli ah, oo ay ugu waaweyn yihiin seddexda qeybood ee kala ah:
• Maareynta kharashka dowliga ah (PFM)
• Abaabulka dakhliga gudaha (DRM)
• Maareynta Hey’adaha Dowliga ah (PSM)






