Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Shirkii labaad ee Qorshaha Dib-u-habaynta Nidaamka Mushahar bixinta.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowlada Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay Shirkii labaad ee Qorshaha Dib-u-habaynta Nidaamka Mushahar bixinta oo loo qabtay Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda Jubbaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray shuruudaha iyo nidaamka ku xiran bixinta mushaharka shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Jubbaland ee sanadka 2027.

Mas’uuliyiinta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa shirka ka bixiyay warbixin ku saabsan shuruudaha iyo habraacyada looga baahan yahay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, si loo hubiyo in mushaharka shaqaalaha rayidka ah loo bixiyo si waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee dowladda.

Shirkan oo ah kii labaad ee Agaasimayaasha loo qabto ayaa qeyb ka ah dadaallada guddiga Shaqaalaha Rayidka ku horumarinayso nidaamka maareynta maaliyadda, maamulka shaqaalaha iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *