𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨, 𝟏8, 𝐀𝐠𝐨𝐨𝐬𝐭𝐨, 𝟐𝟎𝟐𝟒: Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyad Ibraahim Mahamed oo ay weheliyaan xubno gudiga kamida ayaa xilalka u kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Miski Yusuf Cali iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo hanuuninta dadweynaha Badal Cabdi Jamac
Munaasabadda xilwareejinta waxaa goob joog ahaa ,Gudoomiye Kuxigeenadda Guddiga Shaqaaha Rayidka Mudane Yunis ali Shegow iyo Ahmed Mohamed Abukar iyo shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Iyo hanuuninta dadweynaha.
Shirka Oo uu khudbad kajeediyay Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed ayaa Kula Dardaarmay Agaasimaha Cusub inuu shaqada halkaas kasii wado dardarna galiyo hawlaha baaxada leh ee Shacabka Jubaland uhayaan Hay’adaha Kala duwan Ee Jubbaland,sidoo kalena Agaasimihii hore ku bogaadiyay Sidii hufnayd ee ay ugu soo adeegtay wasarada iyo Shacabka Dowlada Jubaland.






