Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Munaasabadda xilwareejinta

𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨, 𝟏5, 𝐀𝐠𝐨𝐨𝐬𝐭𝐨, 𝟐𝟎𝟐𝟒: Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyad Ibraahim Mahamed oo ay weheliyaan xubno gudiga kamida ayaa saaka xilalka u kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Badal Cabdi Jamac iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda batroorlka iyo Macdanta Jubaland Mursal Mohamed Hirsi.

Munaasabadda xilwareejinta waxaa goob joog ahaa qaar Kamida Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha ,Gudoomiye Kuxigeenadda Guddiga Shaqaaha Rayidka Mudane Yunis ali Shegow iyo Ahmed Mohamed Abukar iyo shaqaalaha Wasaarada Batroorlka iyo Macdanta.

Shirka Oo uu khudbad kajeediyay Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed ayaa Kula Dardaarmay Agaasimaha Cusub inuu shaqada halkaas kasii wado dardarna galiyo hawlaha baaxada leh ee Shacabka Jubaland uhayaan Hay’adaha Kala duwan Ee Jubbaland,sidoo kalena Agaasimihii hore ku bogaadiyay Sidii hufnayd ee uu ugu soo adeegay wasarada iyo Shacabka Dowlada Jubaland.

https://www.facebook.com/share/v/18zX3kdwuz

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *