Bismillahi , Kormeerkan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyadoo diiradda lagu saarayo qiimeynta habsami-u-socodka shaqada, u hoggaansanaanta xeerarka iyo nidaamyada adeegga rayidka, iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay wasaaraddu u hayso bulshada. Kormeerku wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa xoojinta maamul-wanaagga iyo hubinta in shaqaalaha rayidku u gutaan waajibaadkooda si waafaqsan sharciga iyo anshaxa shaqada dowladda.




