Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubaland aya booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Caafimaadka.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ,Agaasime Waaxeedyada iyo qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda,Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray habsami u socodka shaqada shaqaalaha rayidka ee Wasaaradda.
Agaasimaha Guud ayaa masuuliyiinta la wadaagay qaabka ay u shaqeyso Wasaaraddu iyo doorka muhiimka ah ee shaqaalaha rayidka ay ku leeyihiin hirgelinta adeegyada caafimaadka.
Masuuliyiinta ka socotay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubaland ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud iyo shaqaalaha Wasaaradda soo dhaweynta wanaagsan, iyagoo bogaadiyay dadaalka iyo kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin u adeegidda bulshada iyo horumarinta adeegyada Caafimaadka Dowladda Jubaland.




