Taariikhdu markay ahayeed 5–6 Sebtembar 2026, Waxa magaalada Kismaayo lagu qabtay aqoon is weydaarsi ku sabsan horumarinta anshaxa shaqada iyo kor u qaadista badqabaka goobta shaqada.
Tababarkan wuxuu diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa anshaxa iyo xirfadda shaqaalaha, kor loogu qaadi lahaa mas’uuliyadda iyo hufnaanta shaqada, iyo sidii loo abuuri lahaa goobo shaqo oo ammaan ah. Waxa kale oo uu ka qaybgalayaasha ka caawinayaa inay fahmaan muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha ay ilaaliyaan anshaxa, ixtiraamka, wada-shaqaynta iyo badbaadada goobta shaqada.



