Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Jubbaland, isaga oo kaashanaya Haya’ada LWF Kenya-Somalia Program ayaa qabtay tababar soconaya muddo saddex maalmood ah kaas oo ku saabsan Aasaaska Xuquuqda Dadka Naafada ah iyo Maamul loo Dhan Yahay (Disability Rights Foundations and Inclusive Governance).
Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Dowladda Jubbaland.
Tababarkan waxaa loogu talagalay Agaasime Waaxedyaha Maamulka, Maaliyadda iyo Shaqaalaha ee wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Jubbaland (Admin, Finance and Human Resources Directors).
Ujeeddada ugu weyn ee tababarkan ayaa ah in la xoojiyo aqoonta iyo awoodda agaasime waaxedyaha, si ay u hirgeliyaan hab-maamul loo dhan yahay oo tixgelinaya baahiyaha, xuquuqda iyo sinnaanta dhammaan shaqaalaha iyo bulshada, gaar ahaan dadka naafada ah.





