Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed oo Safar aqoon isweydarsi ah kujoga dalka Bangaladesh.

Bangaladesh 26,November 2025: Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed oo Safar aqoon isweydarsi ah kujoga dalka Bangaladesh.

Safarkan oo ah Wafdi Kascoda Dowlada Jubbaland Ee Soomaaliya ayaa diirada lagu saaray

Sidii loo dhisi lahaa hay’ado xoogan oo dabooli kara baahiyaha bulshada ee laxiriira dhinacyada, waxbarshada,caafimaadka iyo kor uqaadida dhinaca wax soosaarka si bulshadu uhesho isku filnaasho dhaqaale.

Safarkan Waxaa qayb ka ahaa Gudoomiyaha Barakacayaasha Jubbaland, Agaasimeyaasha wasaaradaha Waxbarshada, Qorshaynta,Ganacsiga , Wasaarada Haweenka arimaha qoyska, Wasarada Shaqada iyo arimaha Bulshada iyo Madaxa Machadka Taskbridge Limited.

Inta uu socday aqoon isweydarsiga Wafdiga Jubbaland waxaa ay booqdeen xarumo kala duwan oo dalka gudihiisa sida beeraha wax soosarka, kaabayasha dhaqalaha waxayna bulshada laqaateen kulamo gaargaara.waxaana safarkan shaqo kaalin muhiima kagaysatay Hay’ada JIZ oo door muhiima kaqaadata mashaaricda hormarin ee guud ahaan Jubbaland.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *