Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Wafdi kasocda Hay’adda Windle Trust International oo Booqasho Ku Yimid Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland.

Kismayo 5 May 2026:Wafdi kasocda Hay’adda Windle Trust International oo Booqasho Ku Yimid Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Hay’adda ee Soomaaliya, Mudane Khalif Kobane, waxaana ku weheliyay Madaxa Xafiiska Windle ee Jubbaland, Mudane Abdullahi Mohamed Raabi.

Wafdiga ayaa waxaa si rasmi ah u qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland, Mudane Siyad Ibrahim Mohamed.

Sidoo kale, shirka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Mudane Axmed Mohamed Abukar, Mudane Yunis Ali Shegow, iyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Guddiga, Mudane Saddam Yussuf Moalim.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Guddiga iyo Hay’adda, gaar ahaan dhinacyada tababarrada iyo kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha rayidka.

Booqashadan ayaa salka ku haysay codsi hore uga yimid Guddoomiyaha Guddiga, kaas oo muhimadisu ahayd in Hay’addu ka taageerto horumarinta aqoonta iyo tayeynta shaqaalaha dowladda.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay dadaallada Hay’adda Windle Trust International, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashi wax ku ool ah oo lagu horumarinayo awoodda shaqaalaha rayidka

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *