Gudoomiyaha Iyo Madaxa Qaramada Midoobay uqaabilsan Dhawrista Xuquuqda Aadanaha Marwo Manuela Cruz ayaa kawada Hadlay Taageerida Shaqaalaha Rayidka dowlada dhanka ilaalinta Xuquuqdooda iyo taagerida Xuquuqda gabdhaha Qaybta ka ah Shaqalaha Rayidka si kor loogu qaado ilaalinta xuquuqdooda, sidoo kalena waxay balan qaaday Madaxa Qaramada Midoobay uqaabilsan Dhawrista Xuquuqul Insaanka In door muhiima ay kaqaadan doonaan Dhawrista Xuquuqda Shaqalaha Rayidka Dowlada.
Shirka Waxaa Gudoomiyaha Kuwehelinayay Xoghayaha Guud Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Saddam Yusuf Mwalimu iyo Marwo Loobahan Oo iyadana Kasocoday Hay’dda UNDP.
Gabagabadii Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed ayaa Ooga Mahadceliyay Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan dhawrista Xuququl Insaanka iyo marwo lobahan oo Kasoctay Hay’ada UNDP sida hufan Ee ay ugarab taaganyihiin Hormarinta iyo taageerida Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland.


