Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨, 29, 𝐀𝐠𝐨𝐨𝐬𝐭𝐨, :Qiimayn lagu sameeyay Baahiyaha Tababar ay qabaan Shaqaalaha Guddiga Shaaqalaha Rayidka Iyo Wasaaraddaha Dowlada Jubbaland

Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland oo kaashanaya Machadka Tababarrada Qaranka (SMPA) ayaa si wadajir ah u sameeyay qiimeynta baahiyaha Tababar ama xirfadeed ee ay qabaan Shaqaalaha wasaaradaha Dowlada Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane Siyad ibrahim Mohamed ayaa Xafiiska Guddiga Kusoo dhaweyay kuna qaabilay Xubnaha ka socday Machadka Tababarrada Qaranka ee u yimid xog aruurinta laxiriirta baahiyahaas kor kuxusan.

Xubnaha Machadka ayaa Xafiiska Guddiga Wareysi kula yeeshay Agaasimayaal ka kala tirsan qaybo kamida wasaaradaha Dowlada Jubbaland kuwaas oo warbixin muhiim ah ka bixiyay xaaladaha guud ee Shaqaalaha kusugan xarumaha ay ka howl galaan iyo baahiyaha ay uqabaan in kor looqaado aqoontooda xaga tababarka laxiriira.

Sidoo kale Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland iyo Xubnaha kasocday Machadka ayaa kormeer ku tagay qaybo ka mid ah xarumaha Hay’adaha Dowladdda kaas oo ay kasamaynayeen qiimaynta laxiriirta baahiyaha tababar ee ay ubaahanyihiin.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed ayaa si wayn u boogaadiyay sida ay dhammaan Shaqaalaha Dowladdu heeganka ugu yihiin sare u qaadidda xirfadahooda isagoona ku amaanay siday heeganka uguyihiin u adeegidda Guud Ahaan Shacabka Dowlada Jubaland.

Dhammaad

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *