Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyat Ibrahim Mohamed iyo Wafdi Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka Socda Jubbaland oo Kormeer Shaqo ku tagay Deegaanka Janna-Cabdalle.

November 16 2025 ,Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyat Ibrahim Mohamed iyo Wafdi Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka Socda Jubbaland oo Kormeer Shaqo ku tagay Deegaanka Janna-Cabdalle.

Wafdi ballaaran oo ka kooban Wasiiro,Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland, Agaasimayaal Guud, ee dowlada Jubbaland iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dawladda Hoose ayaa maanta gaaray deegaanka Janna-Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka safarka ayaa ahaa kormeer shaqo oo ay ku ogaanayeen xaaladaha adeegyada bulshada, amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka. Mas’uuliyiinta ayaa halkaasi kula kulmay maamulka deegaanka iyo bulshada, iyagoo ka dhagaystay baahiyaha jira iyo caqabadaha u baahan in wax laga qabto

https://www.facebook.com/share/v/19ZiGot3r1

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *