September 1, 2025,Guddiyadda Shaqaalaha Rayidka Dowlad-goboleedyadda Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug Oo ay weheliyaan Wasaaradaha Shaqada iyo arimaha Bulshada Dowlad Goboleedyadda, Jubbaland,Hirshabeele,koonofurgalbeed iyo Galmudug ayaa si wada jir ah oga qayb galay iyadoo xooga lagu saaray awood siinta Dumarka Ee xafiisyada Dowlad Goboleedyadda.
Xiritaanka Shirka kadib waxaa Marti Sharafta qado Sharaf loogu Sameeyay Deegaanka Goobweyn oo ah halka uu Wabiga Jubba kaga daro bada kuna haboon beeraha iyo dalxiiska.
Martida ayaana Waxaa Casumaad Casho Sharaf ah Madaxtooyada Ugu sameeyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland Mudane Sheekh Cabdi Mohamed Cabdirahman isagoo kula dardarmay inay shaqada muhimka u ah gabdhaha ay si wadajira udhamaystiraan,
Waxaana qayb ka ahaa casha Sharafta Qaar kamida Wasiiro iyo Xilibaano Katirsan Dowlada Jubaland.
Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland Mudane Siyat Ibrahim Mohamed Oo kalmad ka jeediyay xiritaanka Shirweynaha ayaa xoojiyay ka guddi ahaan inay Shaqaalaysiinta Dumarka siinayaan Mudnaanta koowaad si kor loogu qaado haaanka kaqaybgalka Xilalka Sare Ee Dowlada.






