Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Kismaayo 28,July 2025: Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland Mudane Siyat Ibrahim Mohamed ayaa Kulan Wadatashi iyo is xog waraysi ah laqaatay Shaqaalaha Xafiiska Guddiga.

Kulanka oo ay kasooqabgaleen Gudoomiye Kuxigeenadda iyo shaqaalaha Xafiiska ayaa waxaa ugu horayn Gudoonka lawadagay hawlihi uqabsoomay Xafiiska kusimaha Agaasimaha Guud Shukri Ali khalif.

Gudoomiyaha oo Mudooyinkii udanbeeyay Hawlo shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa lawadaagay natiijooyinka shirarkii uu kasoo qayb galay kuwaas oo ay kamid yihiin awoodsiinta iyo dalacsiinta haweenka dhinaca kaqaybgalka dowladnimada iyadoo Guddigu marti galin doono tababar lagu gorfaynayo caqabadaha kahortaagan haweenka dhinaca kaqaybgalka dowadnimada.

Ugudanbayntii Gudoomiyaha Oo sooxiray kulanka ayaa lawadaagay Shaqaalaha Xafiiska in dhawaan qiimaynta dhismaha xafiiska uu bilaaban doono kaas wax wayn Katari doona hormarinta Guud ahaan Shacabka Jubbaland.

Xafiiska Xiriirka Warfaafinta Dadweynaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *