15 July ,2025 Waxaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shirkii Madasha 4’aad ee Dib u habeynta Maamulka Dadweynaha ee labada heer ee Dowladda.
Shirkan oo muhiimad weyn u leh horumarinta Maamulka Dowladeed ayaa waxaa ka qeybgalay wufuud ka kala socotay Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Hey’adaha Qaran ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Shirka waxaa Dowladda Jubbaland oga qaybgalay Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha rayidka ee Dowladda Jubbaland Mudane Siyat Ibrahim Mohamed waxaana wehelinayay Agaasimaha Guud Ee Guddiga Saddam Yussuf Mialim iyo Lataliyaha Mashruuca SERP Zakariye Shirka oo uu khudbad ka jeediyay Gudoomiyaha Guddiga ayaa kunuuxnuxsaday muhiimada ay leedahay taageeridda hanaanka toggan ee ka qeybgalka Haweenka ee Hey’adaha kala duwan ee Dowladda si loo helo dheelitir iyo cadaalad bulsho oo halbeegeedu yahay in loo sinnaado fursadaha shaqada iyo ku dhiiri gelinta doorka Haweenka ee ka qeyb galka Xafiisyadda Shaqaalaha Dowladda.
Sidoo kale, Shirkan ayaa fursad u noqday in si qoto dheer looga doodo caqabadaha hor taagan dib-u-habeynta Maamulka Dadweynaha, Waxaana la isla meel dhigay si wax ku ool ah, si loo dardargeliyo Dadaallada lagu horumarinayo Maamulka Dadweynaha ee Barnaamijkaan oo muhiim u ah Dowlad dhiska guud Ee Soomaaliya, gaar ahaana dowlada Jubbaland.
Shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi deggan, Waxaana loo ballamay fulinta wax yaabihii ka soo baxay oo ah mid wax weyn ka tari doonta horumarinta kheyraadka Maamulka Dadweynaha ee labada heer ee Dowladda Soomaaliya.
https://www.facebook.com/share/v/18cBfVnbx2




