Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Aqoon Isweydaarsi ku Saabsan Dib-u-habaynta Maamulka Hay’adaha Dowladda iyo Shaqaalaha oo Lagu Soo Gebagebeeyey Kuala Lumpur, Malaysia

June 21 ,2025 Aqoon isweydaarsi muhiim ah oo diiradda lagu saarayey dib-u-habaynta maamulka hay’adaha dowladda iyo horumarinta shaqaalaha ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda dalka Malaysia.

Aqoon isweydaarsigan oo socday muddo todobaad ah ayaa si rasmi ah u furay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Malaysia, Mudane Cali Maxamed Abuukar. Waxaa diiradda lagu saaray sidii loo casriyeyn lahaa hab-maamulka iyo kor loogu qaadi lahaa waxqabadka iyo hufnaanta shaqaalaha rayidka dowladda.

Intii uu socday aqoon isweydaarsigu, waxey booqdeen wafdiga ka socday Soomaaliya qaar ka mid ah hay’adaha dowladda Malaysia, sida Wasaaradda Maamulka Shaqaalaha, Xafiiska Shaqaalaha Rayidka, iyo Dugsiga Tababbarka Shaqaalaha Rayidka, si’ ay waayo-aragnimo uga helaan hanaanka dib-u-habaynta Maamulka Guud (Public Sector Reform) ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Siyad Ibrahim Mohamed iyo xubno kale oo ka socda Xafiiska Guddiga shaqaalaha rayidka ayaa Qeyb ka ahaa wafdiga ballaaran ee ka socday Somaliya

Dhamaad.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *