Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Xilalka u kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Abdishugri Carb iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga Iyo warshadaha Jubaland Idris Hassan Mohamed

𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨, 𝟏4, 𝐀𝐠𝐨𝐨𝐬𝐭𝐨, 𝟐𝟎𝟐𝟒: Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyad Ibraahim Mahamed oo ay weheliyaan xubno gudiga kamida ayaa saaka xilalka u kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Abdishugri Carb iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga Iyo warshadaha Jubaland Idris Hassan Mohamed

Munaasabadda xilwareejinta waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo warshadaha Dowladda Jubbaland Mudane Ibrahim Hasan Abdi ,Gudoomiye Kuxigeenadda Guddiga Shaqaaha Rayidka Mudane Yunis ali Shegow iyo Ahmed Mohamed Abukar iyo shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga

Shirka Oo uu khudbad kajeediyay Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed ayaa Kula Dardaarmay Agaasimaha Cusub inuu shaqada halkaas kasii wado dardarna galiyo hawlaha baaxada leh ee Shacabka Jubaland uhayaan Hay’adaha Kala duwan Ee Jubbaland,sidoo kalena Agaasimihii hore ku bogaadiyay Sidii hufnayd ee uu ugu soo adeegay wasarada iyo Shacabka Dowlada Jubaland.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *