Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Shir loogu hadlaayay Arrimaha Dib-u-habeynta Maamulka Dadweynaha

July 14 ,2024 Gudomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane siyad Mohamed ibrahim iyo Agaasimahaha guud ee guddiga shaqaalaha rayidka jubbaland sadam Yusuf Moalim ayaa Magaalada Mogadishu ku soo gebagaboobey Shir loogu hadlaayay Arrimaha Dib-u-habeynta Maamulka Dadweynaha, Shirkan oo socoday muddo labo maalin ah ayaa waxaa isagu yimid dhammaan Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda federaalka ,Guddiyada Shaqaalaha Rayidka labada heer Dowladeed, Agaasimayasha Guud ee Wasaaradaha Shaqada ee labada heer.

Shirka waxaa intii uu socoday aad loogu gorfeeyay arrimo badan oo la xariira Qorsheyaasha Dowladda ee dib u habeynta Maamulka dadweynaha si sare loogu qaado Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Soomaaliya.

https://www.facebook.com/share/v/1BFRTb1ukC

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *