Muqdisho, 29 February 2024: Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed ayaa Magaalada Muqdisho Oga qaybgalay Shir laxariira kor uqaadida tayada Shaqaalaha iyo Hormarinta Guud Ee Shaqaalaha Rayidka Dowlada.
Shirka waxaa kaso qeyb galay Gudoomiyaasha Guddiyadda Shaqaalaha Rayidka Ee Xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Waxaana soo agaasimay Mashruuca PREMIS2.
Shirka Waxaa Gudoomiyaha Kuweheliyay Kusimaha Agaasimaha Guud Ee Xafiiska Guddiga Shaqalaha Rayidka Mudane Saddam Yusuf Mawlimu iyo Madaxa Maamulka Maaliyada Mudane Feisal Abdi Salah.
Gabagabadii Shirka Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland Mudane Siyad Ibrahim ayaa Tilmaamay Ahmiyada ay leedahay kordhinta Iyo Sare uqaadida Xirfada iyo aqoonta tayada Shaqaalaha Si ay kor Ugu qaado Shaqooyinka Guddiyaddu Uhayaan Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.
