Shirka Oo kadhacay Xarunta Dhexe Ee xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland ayaa Waxaa Shir Gudoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed Waxaana Goobjoog ahaa Gudoomiye Ku xigeenka Guddiga Mudane Yonis Ali Shegow.
Shirka ayaa Muhiimadiisu ahayd Qodobada hoose
1) Hanaanka bixitaanka Shaqada
2) Hanaanka Xaadiritaanka Shaqada
3) Hanaanka Qiimaynta Waxqabadka Shaqaalaha
4) Hanaanka anshaxa Shaqada
Ugu horayntii Guddoomiyaha Ayaaa Dhamaan Kadhagaystay Agaasime Waaxeedyada Warbixin laxiriirta Hanaanka Shaqo gudashada Shaqaalaha,hanaanka Xaadiritaanka Shaqada iyo Caqabadaha ay kala kulmaan xarumaha dowlada iyo kuwa iyaga dhankooda lagala kulmo.
Gudoomiyaha Guddiga Shaqalaha Rayidka Jubbaland Mudane Siyad Ibrahim ayaa balanqaaday in wixii caqabado ah ay Wax kaqaban doonaan sidoo kalena kula dardaarmay in ay laba jibaaraan Joogtayda Iyo kor uqaadida hufnaanta Xaga Shaqada.
Gabagabadii Gudoomiyaha ayaa faray In Dhamaaan Shaqaalaha Rayidka Ee Dowlada aysan kumilmikarin Siyaasada.




