Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

KISMAAYO ,KHAMIIS, 25, JANAAYO 2024: Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo tababar usameeyay shaqaalaha Rayidka ee Wasaaradaha kala duwan ee jubaland.

Tababarkan aya Socday mudo afar cisho ah ona laxiriiray Hanaanka Qiimeeynta Shaqaalaha (appraisal performance form) iyo Hanaanka loo maareeyo kala duwanaanshaha shaqaalaha goobta Shaqada ( diversity and inclusion) Tababarka Waxaa Guddiga Kataageray Mashrcuuca PREMIS II Waxaana Casharada Bixinayay Lataliyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane Warsame Muhummed Abdi.

Waxaa tababarka Si toosa usoo xiray Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Shaqalaha Rayidka Mudane Ahmed Mohamed Abukar waxaana Weheliyay Kusimaha Agaasimaha Siyaasada Iyo Mudnaanta Mudane Mohamed Hussein Abdikani.

Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay kaqeyb galayasha inay ilaaliyaan Waqtiga Si wacana oga Faaidaystaan Fursada ay Heleen aqoonta ay barteena ay dib ugu celiyaan Xarumahooda Shaqada.

Gabagabadii ayaa Dhamaan kaqaybgalayasha Waxaa lagu gudoonsiiyay Shahaado Cadaynaysa Aqoon kororsiga ay qaateen.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *