Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

kulan wadatashi (Stakeholder Engagement and Community Consultation)

Kismaayo: Manta oo Taariiqdu tahay 1 Agoosto 2026 ,Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabtay kulan wadatashi (Stakeholder Engagement and Community Consultation) oo ku saabsan bilaabashada dhismaha xarunta cusub ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socotay Dowladda Jubbaland, SERP Project , bulshada rayidka ah, haweenka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada, kuwaas oo aragtidooda iyo talooyinkooda ka dhiibtay mashruuca ka hor inta aan si rasmi ah loo bilaabin dhismaha xarunta.

Dhismaha xaruntan cusub ayaa waxaa maalgelinaya Mashruuca Horumarinta Kheyraadka Dadweynaha ee Soomaaliya (SERP), oo ay fulinayso Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo maalgelinta mashruuca ay bixiso Bangiga Adduunka (World Bank).

Mas’uuliyiin ka socday SERP Project Coordination Unit (PCU), Maxamed Axmed Cantoobo iyo Xasan Maxamed Nuur, ayaa ka warbixiyay ujeeddada kulanka wadatashiga. Waxay sheegeen in kulankan looga gol leeyahay in daneeyayaasha iyo bulshada lagu wargeliyo mashruuca, lana dhageysto talooyinkooda iyo aragtiyahooda si dhismaha xarunta cusub uu u noqdo mid waafaqsan baahiyaha deegaanka, isla markaana loo hirgeliyo si hufan, daahfuran, oo waafaqsan shuruudaha mashruuca.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland, Siyaad Ibraahim Maxamed, ayaa sheegay in dhismaha xaruntan cusub uu wax weyn ka tari doono tayeynta shaqada guddiga, kor u qaadidda adeegyada shaqaalaha rayidka iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee Jubbaland.

Mashruuca SERP ayaa taageera dib-u-habaynta maamulka dowladeed iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda, waxaana dhismaha xaruntan uu ka mid yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha hay’adaha dowladda iyo tayada adeegyada ay bulshada u hayaan.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *