Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Jubaland, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka socday Mashruuca Somalia Enhancing Public Resource Management (SERP) ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka, isla markaana ay hirgeliso Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay goobta laga dhisayo xarunta cusub ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Jubaland. Mashruuca SERP wuxuu taageeraa dib-u-habaynta maamulka iyo hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo dowlad-goboleed.
Mas’uuliyiinta ayaa goobta kula kulmay maamulka iyo shaqaalaha shirkadda Prime Supplies and Construction Services (PSCS) oo gacanta ku haysa fulinta dhismaha, iyagoo warbixin ka dhageystay heerka uu marayo mashruuca iyo qorshaha shaqada.
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Jubaland ayaa ku boorriyey shirkadda fulinaysa mashruuca inay ilaaliso tayada dhismaha, u hoggaansanto jadwalka shaqada, isla markaana dhamaystirto mashruuca waqtigii loo qorsheeyay.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Mashruuca SERP taageerada uu siiyo Dowladda Jubaland, isagoo ku ammaanay doorkooda ku aaddan hirgelinta mashruucan oo wax weyn ka tari doona tayeynta iyo horumarinta hay’adaha dowladda Jubaland.









