Shirkan oo ay isugu yimaadeen Dhammaan Wasaaradaha Maaliyadda heer Federaal, heer dowlad gobleed iyo Guddiyada Shaqaalaha Rayidka Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa waxaa inta uu socday Diiradda lagu saaray Qodabo la xariira Maamulka Maaliyadda dalka, sare u qaadista dakhliga Gudaha, Midaynta Canshuuraha iyo xoojinta Nidaamyadda Maaliyadda Dalka. Waxaa sidoo kale Shirka intii uu socday looga hadlay qaababka ugu habboon ee loo maareeyo Shaqaalaha Dowladda.
Gabagabadii shirka waxaa la isku raacay in kor looqaado hanaanka adeeg bixin ee xarumaha dowlada iyo tayaynta garaadka dhamaan Shaqalaha heer Federal iyo heer dowlad Goboleed.
Waxaa kaloo shirka ka soo qeyb-galay Madax ka socotay Hay’adaha FCDO, Adam Smith iyo Safiirka boqortooyada Denmark.





