Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

KISMAAYO ,AXAD, 21, JANAAYO 2024: Guddiga Shaqalaha Rayidka Jubbaland oo tababar usameeyay qaar ka mid ah shaqalaha rayidka ee Wasaaradaha kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland.

Tababarka ayaa laxiriiray Hanaanka Maaraynta Cadaadiska Lagala kulmo xiliga Shaqada (Stress Management) Tababarkan Waxaa Guddiga Ka taageerayay Mashrcuuca PREMIS II Waxaana Casharada Bixinaayay Lataliyaha ee Guddiga Shaqalaha Rayidka Mudane Warsame Muhummed Abdi.

Waxaa tababarka Maalintii Kowaad Si toosa U daahfuray Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Shaqalaha Rayidka Mudane Ahmed Mohamed abukar isagoo kula dardaarmay kaqayb galayasha inay ilaaliyaan Waqtiga Si wacan ooga Faaidaystaan Fursada ay Heleen.

Gabagabadii ayaa Dhamaan kaqaybgalayasha Waxaa lagu gudoonsiiyay Shahaado Cadaynaysa Aqoon kororsiga ay qaateen.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *