Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland
Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Jubbaland, iyagoo gudanaya waajibaadkooda la xiriira kormeerka iyo qiimaynta habsami-u-socodka shaqada hay’adaha dowladda, ayaa maanta waxa ay booqasho shaqo ku tageen Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Jubbaland.
Agaasimaha Guud ayaa guddiga siiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan hawlaha Wasaaradda, waxqabadka la gaaray, maamulka iyo horumarinta shaqaalaha, iyo sida ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu soo bandhigay qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda, kuwaas oo diiradda saaraya hirgelinta mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, qorshaynta iyo horumarinta magaalooyinka, dib-u-dejinta iyo deegaanaynta barakacayaasha, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo helitaanka degsiimooyin waara oo bulshada u adeegaya.
Dhankooda, xubnaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa bogaadiyay shaqada Wasaaradda, iyagoo sidoo kale dhegeystay caqabadaha jira iyo tallooyinka la xiriira sidii xalal waara loogu heli lahaa, si loo sii xoojiyo tayada adeegyada iyo hufnaanta shaqada dowladda
