Guddiga Shaqaalaha Rayidka waxuu Kormeer ku sameeyay Wasaaradda postada,isgaarsiinta iyoTeknolojiyada iyadoo diiradda lagu saarayo qiimeynta habsami-u-socodka shaqada, u hoggaansanaanta xeerarka iyo nidaamyada adeegga rayidka, iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay wasaaraddu u hayso bulshada. Kormeerku wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa xoojinta maamul-wanaagga iyo hubinta in shaqaalaha rayidku u gutaan waajibaadkooda si waafaqsan sharciga iyo anshaxa shaqada dowladda



