Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Kismaayo,25 August 2025: Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland ayaa Maanta Soogabagabeeyay ololaha kor uqaadida iyo Kordhinta Shaqaalaysiinta haweenka Ee jagooyinka Sare Ee Dowladda.

Munaasabada Waxaa Si wada Jira Hirgalinteeda Isaga Kaashaday Guddiga Shaqaalaha Rayidka Iyo Wasaarada Shaqada iyo arimaha Bulshada, waxaana taageeray Mashruuca Hormarinta Khayraadka Aadanaha Ee (SERP) oo hoos taga Bangiga Aduunka.

Waxaa xiritaanka Kulanka kaqaybgalay Wasiiro,xilibaano, Agaasimayaal Guud, ururada Haweenka, dalada Bulshada Rayidka,gabdhaha Dhigta Jaamacaddaha iyo dhamaan gabdhaha kashaqeeya Xarumaha Dowladda.

Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland Mudane Siyat Ibrahim Mohamed oo kulanka khudbad kajeediyay ayaa kula dardaarmay dhamaan kasoo qaybgalaysha shirka Wadatashiga in ay muhiimtahay doorka gabdhaha Eee Dowlad dhiska loona baahanyahay in laxoojiyo dadaalada socda iyo xaqiijinta Hiigsiga 2030ka.

Kusimaha Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Jubbaland marwo Shamso oo gabagabadii kalmad kajeedisay Madasha ayaa bogaadisay Doorka Wadajirka ah ee ay ku hormarinayaan shaqalaysinta Gabdhaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo kaashanaysa Wasaarada Shaqada iyo arimaha Bulshada Dowladda Jubbaland.

https://www.facebook.com/share/v/18bq1r15Cf/

Dhamaad.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *