Civil Service Commission – Jubbaland State Somalia

Kismaayo 18 ,August 2025: Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland Mudane Siyat Ibrahim Mohamed ayaa kulan wadatashi ah laqaatay gabdhaha Kashaqeeya Xarumaha Kala duwan Ee Dowladda.

ulanka waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiye kuxigeenadda Guddiga,Ahmed Mohamed Abukar, Yunis Ali Shegow iyo Kusimaha Agaasimaha Guud Ee Guddiga Saddam Yussuf Moalim.

Gudoomiyha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland Mudane Siyat Ibrahim Mohamed oo kalanka Furay ayaa xubnaha gabdhaha lawadagay Siyaasada hormarinta gabdhaha inay Meel fiican marayso dhawaana Tababar kusaabsan caqaadaha gabdha kahaysta Kaqaybgalka Dowladnimada Xafiiska Guddigu kuqabn Doono Magalada Kismayo.

Waxaana Gudoomiyaha Guddigu kula dardaarmay gabdhaha in tababarkaas oo ah mid balaaran ay doormuuqda kaqaatan si loogaaro gabdhuhuna uhelaan dalacsiin iyo in laxaqiijiyo kor uqaadida doorka haweenka Ee Dowlada ay kuleeyihiin.

Waxaa iyagana talooyin lagadhagaystay xubnaha kulanka kasooqaybgalay iyagoo bogaadiyay doorka Guddigu uu ku hormarinayo aqoonta iyo dalacsinta Gabdhaha Qaybta ka ah adeeg bixinta Dowladnimada.

Dhamaad.

Facebook
Pinterest
Twitter
LinkedIn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *