Tababarkan ayaa waxaa sooqaban qaabisay Wasaarada Shaqada iyo arimaha Bulshada. waxana ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin: Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaano, Agaasimayaal guud, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Kismaayo, Iyo Masuuliyiin kale.
Dhankiisa, Siyat Ibraahim Mohamed, Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland, ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la helo qorshe waara oo bulshada lagu ilaalin karo, looguna adeegayo si hufan oo dhamaystiran.
Gabagabadii kaqayngalayaasha Tababarka ayaa kusoobandhigay doodo iyo talooyin wax kubiirn kara Staratiijiyada Ilaalinta Badqabka Bulshada Juubaland Ee 5ta Sano Ee Soosocota.
https://www.facebook.com/share/v/1C4LxHHw6p




