Guddiyadda Shaqaalaha Rayidka Dowlad-goboleedyadda Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug Oo ay weheliyaan Wasaaradaha Shaqada iyo arimaha Bulshada Dowlad Goboleedyadda, Jubbaland,Hirshabeele,koonofur galbeed iyo Galmudug ayaa si wada jir ah u daahfuray iyadoo xooga lagu saaray awood siinta Dumarka Ee xafiisyada Dowlad Goboleedyadda.
Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland Mudane Siyat Ibrahim Mohamed Oo kalmad ka jeediyay Shirweyanaha ayaa xoojiyay ka guddi ahaan inay Shaqaalaysiinta Dumarka siinayaan Mudnaanta koowaad si kor loogu qaado haaanka kaqaybgalka Xilalka Sare Ee Dowlada.
Intuu socdo Shirweynaha ayaa waxaa laga soosaari doonaa Qorshe midaysan oo kor loogu qaadi doono doorka Dumarka loogu kordhin lahaa Xafiisyada Dowlad Goboleedyadda.
Waxaa Shirweynaha taageeraya Mashruuca hormarinta Khayradka aadanaha Ee (SERP) oo hoostaga Bangiga Aduunka
Shirweynahan ayaa socon doona 30-ka Agoosto ilaa 1-da Sebteembar. 2025
video https://www.facebook.com/share/v/1BTx1N2zm1/



