Shirka waxaa kasoo qeyb galay dhamaan Agaasimeyaasha Guud Ee wasaaraddaha Jubabaland, xubno ka tirsan Baarlamanka Jubbaland, Gudoomiye ku-xigeenadda guddiga iyo howl-wadeeno ka tirsan Xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka.
Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland Mudane siyat Ibrahim Mohamed oo khudbad kajeediyay madasha ayaa agaasimyaasha Lawadagay muhiimada ay leedahay samaynta habraaca hagaya hanaanka hogaamineed ee xiliyada Iskushandhaynta Agaasimeyaasha guud kaas oo ilaalin doona badqabka hanaanka shaqo iyo hantida Dowladda uu qorshahedu socdo dhawana ladhamaystiri doono.
Aqoon-iswaydaarsigaan waxaa bixinayey Madaxa Hay’adda Cilmi-baarista ee Task Bridge Limited Maxamed Kaamil Yuusuf.






