𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨, 𝟏4, 𝐀𝐠𝐨𝐨𝐬𝐭𝐨, 𝟐𝟎𝟐𝟒: Gudoomiyaha Gudiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyad Ibraahim Mahamed oo ay weheliyaan xubno gudiga kamida ayaa saaka xilalka u kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Haweenka Idriis Xassan Maxamed iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Miski Yuusuf Cali.
Munaasabadda xilwareejinta waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Dowladda Jubbaland marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Shaqaaha Rayidka Mudane Yonis ali Shegow iyo shaqaalaha Wasaaradda Haweenka.
Shirka Oo uu khudbad kajeediyay Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubaland Mudane Siyad Ibrahim Mohamed ayaa Kula Dardaarmay Agaasimaha Cusub inay shaqada halkaas kasii wado dardarna galiso hawlaha baaxada leh ee Shacabka Jubaland uhayaan Hay’adaha Kala duwan Ee Jubbaland,sidoo kalena Agaasimihii hore ku bogaadiyay Shaqadii wacanayd ee uu sooqabtay intuu wasaarada Joogay.




